Tottenham Oo Ka Wel-welsan In Tababare Pochettino Ka Huleelo , Kooxdee Ayay Uga Baqayaan?.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa ku warameysa in maamulka kooxda Tottenham ay ka cabsi qabaan in tababare Mauricio Pochettino uu ka huleelo kooxdaas .

Wargeyska The Sun ayaa qoraya in madaxa kooxdaas ee Daniel Levy uu ka wel welsan yahay in macalinkaas reer Argentina kaga wareego kooxda Real Madrid .

Real ayaa sanadkii hore isku dayday saxiixa Mauricio Pochettino balse macalinkaas ayaa ugu dambeyn Tottenham u saxiixay hishiis gaaraya muddo shan sanno ah.

Tabaaraha haatan Real ee Sollari ayay warar kala duwan tilmaamayaan in uu ka huleelayo kooxdaas ka dib markii ay ka hareen Cope Del Rey oo ay Barca finalkiisa iska xaadirisay waliba dhanka La Ligaha-na ay aad uga hoseeyaan Barca oo hogaanka haysa

Waxa ay maamulka Tottenham qireen in Mauricio Pochettino uu u janjeero in uu ka huleelo kooxda si uu u soo sameeyo tijaabo cusub xilli ciyaareedka dambe

Fikradda kale ee Mauricio Pochettino ku qasbeysa in uu baxo ayaa ah isaga oo Tottenham xilli ciyaareedkaan la qaadi karin horyaalka maadaama ay ku loolamayaan kooxaha Man City iyo Liverpool walibana horay dhowr jeer ugu fashilmay.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Real diidaneen in ay hishiiska Mauricio Pochettino ee Tottenham ku bur buriyaan qiimo gaaraya 40 milyan oo gini

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here