Tottenham Oo Guul Ka Gaadhay Newcastle Kaalinta 2-aadna Ka Saartay Man City

Kooxda Tottenham ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kaalinta 2-aadna si ku meel gaadh ah ugala baxday kooxda Man City.

Tottenham ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda ee ay ugu horeeyaan xiddigaha Kane iyo Ali.

Kooxda Newcastle ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Tottenham iyaga oo ku qasbay bar-baro intii badnayd ee ciyaarta.

Laakiin Tottenham ayaa daqiiqadii 83-aad dhalisay goolka ay guushu ku raacday iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Son Heung-min.

Newcastle ayaa isku dayday in ay keento bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah laakiin ay u suurtagali wayday in ay wax ka dhaliyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham sidaas ku gaadhay guul dirqi ah kana caawiyay in ay kaalinta 2-aad gasho.

Guushaas ayaa la macno ah in ay Tottenham haatan leedahay 57 dhibcood iyada oo kaalinta 2-aad si ku meel gaadh ah ugala baxday City oo leh 56 dhibcood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here