Tottenham Oo Garaacday Chelsea Hal Lug-na La Gashay Finalka Carabao Cup-ka

Kooxda Tottenham ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa Lugta 1-aad ee Semi-finalka Carabao Cup-ka kana dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ku bilowday mid dagan oo adag labada kooxoodna ku jiraan is ilaalin weyn si fiicana u difaacanayaan.

Labada Kooxda Chelsea ayaa qayb ka mid ah kulanka u muuqatay mid cabsi yar ku jirto iyaga oo ka yara faaganayay in ay weeraro ku qaadaan Tottenham.

Si la mid ah Tottenham ayaa markeeda dib u faagatay daafacna u gashay kooxda Chelsea kadib markii ay la wareegtay maamulista kulanka.

Kooxda Tottenham ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Harry Kane kaas oo rikoodhe gool u badalay.

Chelsea ayaa wax walba u samaysay sidii u keeni lahayd goolka bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado badan oo goolal laga dhalin karo.

Laakiin waxa u suurtagali wayday in ay soo taabtaan shabaqa iyada oo Tottenham si waali ah u difaacanaysay ilaalana ka qabatay shabaqeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Tottenham 1/0 ku hogaaminayso labada kooxoodbana soo bandhigeen ciyaar fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Kooxda Tottenham ku bilaabatay laba u jeedo oo midka 1-aad yahay in ay difaacato shabaqeeda mid kalena yahay in ay gool rogaal celis ah ka dhaliso Chelsea.

Dhanka kale Chelsea ayaa kulanka qaybtiisa dambe u soo gashay hal u jeedo oo ahayd in ay marka hore dhaliso goolka bar-baraha inta ayna ka fikirin in ay guul soo laabasho leh ka gaadho Tottenham.

Chelsea ayaa qaybtii dambe ahayd mid awood badan iyaga oo wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka laakiin darbigii ay Tottenham ka hor dhistay goolkeeda ayaa noqday mid u dumi waayay.

Waxa ay ciyaartu ugu dambayn ku dhamaatay 1/0 ay Tottenham ka gaadhay kooxda Chelsea iyaga oo hal lug la galay Finalka Carabao cup-ka sugina doona lugta 2-aad ee ay aadi doonaan Stamford Bridge.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here