Tottenham Oo Dhamaadkii Ciyaarta Guul Ka Gaartay Man City , Hantiilayaasha Iyaga Ayaa Kubadda Maamulayay Xilli Rigoorana Qasaariyeen

Man City iyo Tottenham ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareegga 8-da Championpka waxaan la jhoogay garoonka Tottenham .

City ayaa biloowgii ciyaarta ku biloowday qaab deg degsiimo leh balse halis gillin ma jrrin iyaga ayaana ku badnaa kubadda xilli daqiiqaddii 13-aad ay heleen rigoore balse waxaa qasariyay oo laga qabtay Sergio Aguero .

Ka dib dhacdadaas , Tottenham kubadda waa ay la qeybsaneysay City waliba halis gillin ayay ku sameeyneysay goosha City xilli daqiiqaddii 23-aad gool cajab noqon lahaa laga bad baadiyay Tottenham waxaana u diiday goolhayaha .

Tottenham si wacan ayay isugu xernaayeen waxa ayna City ku cadaadinayeen aaga gooshooda waa ayna u diidanayaan in ay horay si sax ugu ugu soo dhaqaaqaan inkastoo City ku badneyd kubad haysashada .

Tottenham ayaa marar badan ku sigatay gool wax ayna kubad waliba oo u dhaw goosha City kama aysan labalabeyenyn in ay ku laadaan waxa ayna ciyaarayaan daafac adag waxa ayna City qeybtaas koowaad ku adkaa in goosha Tottenham gaaraan xilli guud ahaan la dhihi karo ciyaarta waa ay isu dheeli tirneyd labada dhinac .

Soo laabashadii , City waxa ay durba ku sigteen gool waxaase u diiday goolhayaha Tottenham ka dib kubad uu Raheem uu laaday , waxa ayna City ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh balse daafac adag ayay wajahyaan .

City ayaa ku badneyd kubadda balse Tottenham raacasho ayay ku dileen City waxa ayna ku tiirsanayeen bilwoogii kubadaha rogaal celiska ah oo mar waliba oo cagta u soo gasho deg deg ayay ula baxsanayeen , waxaan Tittenham dqiiadii 58-aad la badlay Harry Kane oo dhaawacmay iyadoo la soo giliyay Lucas Moura.

City mararka qaar waa ay sigayeen Tottenham balse saaxibada Harary Kane aad ayay isugu xernaayeen waxaana City dagaalka gool raadinta waday Raheem xilli badlakooda ugu horeeyay ay sameeyen daqiiqaddii 70-aad xilligaas oo la soo giliyay Jesus oo loo saaray Aguero

Xilli City ay kubadda ku badneyd kana wacneyd Tottenham hadana gool ayaa lagu helay oo Heung-Min Son ayaa ka dhaliyay xilli ay ku doodeen in laacibka uu kubadda banaanka ka soo celiyay balse VAR waa go`aamisay jiritaanka goolkaas waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 78-aad .

Sida xaalka u ahaa , ka dib goolkaas kubad hayashada City wax aay mararka qaar gaareysya %70 hadana waxaa ku adkaa in ay gaarsiiyaan goosha Tottenham , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Tottenham ku badisay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here