TOP SAWIRRO: Raphael Varane Oo Uu Dhaawac Jilibka Ah Ka Soo Gaadhay Kulankii El Clasico

0

Raphael Varane ayaa habeen uu doonayo in uu iloobo ku soo qaatay Santiago Bernabue kadib markii Real Madrid laga reebay Copa del Rey kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaadhay Barcelona kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee tartanka.

Daafaca reer France ayaa iska dhaliyay goolka 2-aad kadib markii uu si khaldan isugu qabtay karoos uu soo karoosay xiddiga Barcelona ee Ousmane Dembele.

Marka laga yimaado Guuldarada xiddiga ayuu soo gaadhay dhaawac jilibka ah isaga oo sawirada dhaawaca kula midoobay baraha bulshada kadib ciyaarta.

Xiddigaha Luis Suarez & Dani Carvajal ayaa ku dul dhacay Varane xilli ay ku loolamayeen kubada dhexdooda taala taas oo keentay dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Kadib ciyaarta yuu xiddigu soo bandhigay sawir dhaawac xun oo jilibka ka soo gaadhay taas oo la filayo in uu ku seegi karo kulanka Sabtida ee El Clasico-da horyaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here