TOP NEWS: Arsenal Oo Laba Gool Ugu Awood Sheegatay United , Booska 4-aadna Waa Ay Kala Baxeen

Kooxda Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay Man United hal gool oo nadiif ah ka dib ciyaar dar darteeda wadatay , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 30-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Arsenal ayaa kubadda ku badneyd waliba weearar ku haysay United kuwaasi oo iyana biloowgii ku jiray daafac balse mararka qaar kubado u muuqday rogaal celis ah ayay soo qaadayeen .

Sidaas oo ay tahay United ka dib kubad ay soo dhiseen waxa ay ku sigteen in ay dhaliyaan gool balse birta shabaqa Arsenal ayaa u diiday waxa ayna aheyd daqiiqaddii 9-aad, waxaana sidaas sameeyay Lukaku .

Guud ahaan Arsenal kubadda iyaga ayaa haystay waxaana kubado cajiib ah dhisayay Ozil , waxa ayna daqiiqadii 12-aad heleen gool , waxaana gantaal ku dhaliyay Granit Xhaka ka dib baas uu ka helay Alexandre Lacazette .

Sidaas oo ay tahay United gool kale ayay ku sigteen balse mar kale birta ayaa u diiday waxa ayna aheyd daqiiqaddii 18-aad , waxa ayna ka dib United bilabeen in ciyaarta fur furaan soona weerara tagaan .

Arsenal kubadooda waxaa laga dhsiayay garbaha waxa ayna United iyana ahaayeen kuwo dhanka daafaca ka adag waxaana daqiiqaddii 36-aad gool xaqiiq ahaa laga bad baadiyay Lukkaku oo goolhayaha Arsenal oo uu dhulka jiifiyay ayaa markii uu kubada laadi laaha waxaa taabtay goolhayaha.

Soo laabashadii , labada koox dar dar ayay ku soo galeen United-na waa ay soo weerar tagayeen waxa ayna halkoodii ka sii wadeen qasaarinta fursadaha xaqiiqda ah ,waxaana mar kale gool xaqiiq ah uu goolhayaha ka bad baadiyay Lukaku daqiiqaddii 50-aad

Qeybta labaad , United kubad weerar aan kala joogsi laheyn ayay dhisayeen waxaana ka go`naan goolka bar bar dhaca xilli mararka qaar kubad haysashadooda ay gaareysay %62 balse Arsenal jawigooda waa deganaa waa ayna soo weearar tagayeen .

United halis ayay aheyd waxa ayna duullaan ku ahaayeen goosha Arsenal balse kooxda martida loo ahaa kubado rogaal celis ah ayay ciyaareyen kaasi oo ugu dambeyn ay ku heleen rigoore

Fred ayaa qalad ku galay weeraryahanka Arsenal ee Lagazetta oo uu riixay waxaana rigooradaas laaday oo shabaqa dhigay Pierre-Emerick Aubameyan daqiiqaddii 69-ad , waxa ayna United ka dib goolkaas soo giliyeen Anthony Martial oo loo badalay Diogo Dalot.

Uniten ikastoo laba gool lagu lahaa hadana isku dayo ayay sameyaneyen balse Arsenal ayaa ahaa kuwo iyana ay ka go`an tahay gool sedexaad , waxa ayna Arsenal daqiiqadii 77-aad soo giliyen Alex Iwobi oo loo badalay Ozil

Dhamaadkii , ciyaarta deg degsiimo ayay sii yeelatay waxa ayna Arsenal soo giliyeen daqiiqaddii 81-aad Denis Suarez oo loo badalay Aubameyang, waxa ayna ciyarta ku dhamaatay 2 gool oo nadiif ah oo Arsenal ku badiyeen waliba booska afaraad kala baxeen United waxa ayan haatan leeyihiin 60 dhibic halka United ku istaageen 58 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here