Toni Kroos: Halkan Arin Ayaa Sabab U Ah In Ay Real Madrid Kaalinta 3-aad Kaga Jirto La Liga, Waxana Naga Go,an In Aan Marno Halkan Wado Oo Aan Horay U Marno.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay in ay Real Madrid kaalinta 3-aad kaga jirto horyaalka La Liga 10 dhibcoodna uga dambayso kooxda ay Xafiiltamaan ee Barcelona.

Toni Kroos ayaa aqbalay in qaab ciyaareedkii liitay ee qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan iyo dhibco badan oo ay si fudud isaga lumiyeen sabab u tahay kaalinta ay kaga jiraan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer Germany ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ay kooxdiisu qaban karto shaqadii xilli ciyaareedkii hore oo kale markaas oo ay ku guulaysteen champions League inkasta oo ay si hoose u ciyaarayeen La Liga.

“Waa Run waxa aan soo marnay dhibaatooyin bilowgii xilli ciyaareedkan waxa aan si fudud isaga Luminay dhibco badan horyaalka qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan, laakiin taas waa la soo dhaafay”ayuu u sheegay Die Welt.

“Waxa aan mar walba ogaa, waliba sanadihii yaraa ee la soo dhaafay i siiyeen kalsooni ah in aan mar walba haysano koox cajiib ah waliba aanan marna joojin karin in aan horay u socono”.

“Guul Katsa waxa ay kooxda siinaysaa kalsooni naftooda ah, marna ma joojinayno in aan shaqayno xitaa hadii ayna arimuhu noogu socon si fiican”.

“Sanadkii hore waxa aan qaab xun ku jirnay horyaalka bilowgii sidaas darteed hanashada horyaalku ma ahayn mid fudud laakiin mar walba waxa nagu jiray dab, sababta oo ah waxa aan ogayn in aan wax ku guulaysan karno waxana aan ku guulaysanay champions League”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here