Tobanka Xidig Ee Bil Kasta Mushaarka Ugu Qaalisan Kubbada Cagta Ka Qaata Oo La Shaaciyay- Min Imisa Ayay Bishii Qaataan Lionel Messi, Cristiano Ronaldo Iyo Neymar Jr?

Shaqooyinka kala duwan ee aduunka ee waliba hawsha badan la qabto marka la barbar dhigo kubbada cagta waxay isku noqonayaan sida cirka iyo dhulku u kala fog yihiin oo kale. Ciyaartoyda kubbada cagta ayaa noqday kuwo mushaar waali ah qaata iyada oo waliba waqtiyadii ugu danbeeyay uu sii laba jibaarmay mushaarka ay kooxuhu bixiyaan.

Lacagta ay ciyaartoyda kubbada cagtu bishii uga xaadiraan kooxahooda ayaa ah mid aad u saraysa waxaana la shaaciyay tobanka xidig ee waqti xaadirkan bishii mushaarka ugu badan kubbada cagta ka qaata waxaana muuqata sida ay lugtooda ugu taajireen iyaga oo qabanaya shaqo aad uga sahlan shaqooyinka hawsha badan ee dad waynaha caalamku saacadaha badan ku shaqeeyaan.

Xidig Arsenal ay ayaa markii ugu horaysay soo galay tobanka xidig ee mushaarka ugu qaalisan bishii ka qaata kubbada cagta iyada oo Ozil uu kaalinta 10 aad kaga jiro tobanka xidig ee lacagta ugu qaalisan ka qaata kubbada cagta.

Mesut Ozil ayaa bishii Arsenal ka qaata 1.4 milyan gini laakiin inta badan waxa uu lacagta ku soo qaadanayay kursiga kaydka ama xataa isaga oo liiska ciyaartoyda Unai Emery ka maqan.

Alexis Sanchez oo isna aan shaxda Man United ka mid ahayn isla markaana waqti badan oo xili ciyaareedkan ah kaydka ku soo qaatay ayaa bishii United ka qaata 2 milyan gini halka Coutinho oo ku dhibtoonaya Camp Nou uu bil kasta mushaar ahaan u qaato 2 milyan gini.

Gareth Bale oo aan doorkii hogaamineed ee laga filayay Real Madrid ka qaadan tan iyo markii uu Ronaldo baxay ayaa mushaar ahaan bil kasta u qaata 2.2 milyan gini halka Luis Suarez uu bishii mushaar ahaan u qaato 2.5 milyan gini.

Laakiin Lionel Messi oo ah kan ugu mushaarka qaalisan ayaa bil kasta mushaar ahaan Camp Nou uga qaata 7.3 milyan gini waana ku dhawaad laba jibaarka mushaarkii uu Cristiano Ronaldo bishii ka qaato Juventus kaas oo kaalinta labaad ugu jira 4.1 milyan gini oo uu bishii mushaar ahaan u qaato.

Heshiiskii cusbaa ee uu Antoine Greizmann kaga joogsaday Barcelona waxa looga dhigay xidiga saddexaad ee ugu mushaarka sareeya wuxuuna Griezmann bishii mushaan ahaan uga qaataa kooxdiisa Atletico Madrid lacag dhan 2.9 milyan gini.

Neymar Jr ayaa ah xidiga afraad ee mushaarka ugu sareeya kubbada cagta ka qaata wuxuuna bil kasta u xaadiraa 2.7 milyan gini halka

Halkan kaga bogo Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Bil Kasta Lacagta Ugu Badan u Xaadira iyo Mid kastaaba inta uu kooxdisia ka qaato bishii.

10. Mesut Ozil (Arsenal) – £1.4m

9. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – £1.5m

7 . Alexis Sanchez (Manchester United) – £2m

7. Philippe Coutinho (Barcelona) – £2m

6. Gareth Bale (Real Madrid) – £2.2m

5. Luis Suarez (Barcelona) – £2.5m

4. Neymar (Paris Saint-Germain) – £2.7m

3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid) – £2.9m

2. Cristiano Ronaldo (Juventus) – £4.1m

1. Lionel Messi (Barcelona) – £7.3m

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here