Toban Ciyaartooy Man City Ah Oo Waqtigii Geerida Ka Taqalusay Schalke , 3/2 Ayay Uga Soo Badiyeen

0

Schalke 04 ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Man City natiijo ah 2/1 iyada oo labada gool ahaayeen rigoore , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka .

Guud ahaan Man City ayaa kubadda maamuleysay oo dhan waliba ayay kaga gacan sareeyeen kooxda reer Jarmal oo marar qaar heerka kubad haysashada City waxa ay gaareysay %70 .

City iyaga ayaa ku horeeyay goolka waxa ayna heleen daqiiqaddii 18-aad waxaana saxiixay Aguero , waxa ayna City ciyaarayeen kubad hal dhinac ah .

Kooxda reer Jarmal inkastoo laga hanaan ciyaar wacnaa hadana daafac ahaan ayay u foojignaayeen waxaa ayna City ka hor istaagayeen ka mira dhalinta dadaalka ay sameynayeen .

Weerarka City kala joogsi ma laheyn halka Schalke 04 inkastoo cadaadis saarna hadana waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah , waxa ayna goolka bar bar dhaca heleen daqiiqaddii 38-aad waxaana rigoore ku dhaliyay Nabil Bentaleb .

Inkastoo City goolkaas laga dhaliyay hadana dhoola tuskooda waa socday balse kooxda reer Jarmal kullamaa aagga goosha City tagaan halis ayay ahaayeen waxaana lagu galay qalad kale oo keenay rigoore waxaana daqiiqaddii 45-aad u saxiixay Nabil Bentaleb .

Soo laabashadii , ma jirrin wax iska badalay ciyaarta oo City waxa ay sii waday duulaankii iyo maamuladdii kubadda waxa ayna mararka qaar heerka kubad haysashadooda gaareysay heer dhan %65.

Kooxda reer Jarmal waa ay ku adkeyd in kubadda horay u jiidaan waxa uuna xaalkooda ahaa in ay xoogga saaraan kala jaridda kubadaha ay soo dhisaan Man City iyo qaadista weerarada rogaal celiska ah .

City kaliya waxaa ka maqnaa gool balse guud ahaan kubadda waa ay maamuleen waxaana daqiiqaddii 68-aad kaarka cas laga siiyay Nicolas Otamendi ka dib markii loo taagay kaarka labaad ee digniinta ee kulankaas waxa ayna City soo giliyeen Kompany oo loo saaray David Silva

City , xilli kaarkaas cas laga qaatay hadana ma aysan niyad jabin dadaalkooda waa sii wadeen , waxa ayna heerka kubad haysashadooda gaareysya %64 , waxa ayna dagaal ugu jireen abuurista kubado goolal keeni kara.

Dhaamadkii waa yara degtay ciyaarta inkastoo City ka quusan goolka bar bar dhaca hadana dar dar badan ma aysan sameyn halka kooxda Schalke iyagana kubadaha lala baxsado ay maciin bidayeen waxa ayna City heleen goolka bar bard haac waxaan Free Kick qurux badan ku dhaliyay Leroy Sane waxa ayna aheyd daqiiqaddii 85-aad waxa ayna kooxda xuseysaaa in laacibkaas hore ee Schalke 04 uusan dabaal degin .

Ka dib goolkaas , City hami sareeya ayaa galay kubadana waa ay jiidayeen illaa gool sedexaad ay heleen ka dib kubad toos uga timid goolhayaha City waxaa gool ub turjumay Raheem daqiiqaddii 90-aad ka dib markii daafac Schalke 04 ah oo kubadda ku cariiri lahaan Raheem uu dhulka ku dhacay , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay City ku soo badiyeen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here