Timo Werner Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid Bayern Munich & Liverpool Oo Sabab U Ah

0

Wararka ka imanaya dalka Germany ayaa sheegaya in uu weeraryahanka kooxda kooxda RB Leipzig ee Timo Werner uu iska diiday kooxda Bayern Munich si uu u sugo dalab uga yimaada Liverpool uguna biiro kooxdaas.

Timo Werner ayaa bartilmaameed u ah kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay xiddiga u dhaqaaqaan suuqa xagaaga marka ay ka tagaan xiddigaha Origi iyo Sturrdige.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Germany diiday dalab uga yimid Bayern Munich isaga oo u sheegay in uu kaliya doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Liverpool wali wax dalab ah ka gudbin xiddiga laakiin kaliya u muujisay xiddigo si ay u hesho adeegiisa.

Timo Werner ayaa wacdaro ka dhigaya kooxdiisa isaga oo sidoo kale ah xiddiga 1-aad ee xulka qaranka Germany weerarka uga ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here