Thomas Tuchel Oo Magacaabay 2-da Xiddig Ee Ugu Halisan Man United Ka Hor Kulankooda Caawa

0

Taababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa magacaabay 2-da xiddig ee ugu khatarsan kooxda Man United ka hor kulanka caawa Ka dhici doona Old Trafford.

PSG ayaa waayi doonta adeega xiddigaha Neymar iyo Cavani kuwaas oo kulanka ku seegi doona dhaawac soo gaadhay labada xiddig.

Cavani ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Bordeaux halka uu Neymar dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa tan ilaa 23 bishii Jnauary isaga oo maqnaan doona 10 todobaad.

Tababaraha PSG ayaana qirtay in uu ka wal-walsan yahay halista labada xiddig ee Paul Pogba & Marcud Rashford kuwaas oo ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu fiicanaa xilli ciyaareedkan.

“Neymar waa midka ugu fiican kooxdeena iyo waliba mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican yurub, waanu tabi doonaa si la mid ah Cavani”.

“Miyay Man United tabi doontaa hadii ay kulanka seegaan Paul Pogba & Marcud Rashford?, dabcan Haa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here