Thierry Henry Oo Kooxdiisii Hore Ee Arsenal Ku Garaacay Daafacii Hore Ee Real Madrid

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Thierry Henry haatana ah tababaraha Kooxda Monaco ayaa kooxdiisii hore ka afduubanaya xiddig ay kooxda Arsenal doonaysay in ay ku xoojiso daafaca.

Daafaca reer Portugal ee Pepe ayaa iska diiday kooxda Arsenal isaga oo doortay in uu ku biiro kooxda Monaco.

35 jirka reer Portugal ayaa xor ah kadib markii uu isaga tagay kooxda reer Turkey ee Besiktar kadib markii la kansalay heshiiskiisa bishii December.

Xiddiga reer Portugal ayaa la filayay in uu ku laabto kooxda Portugal ee ka dhisan dalkiisa hooyo.

Si kasta ha ahaatee wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in uu xiddigu haatan ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Monaco.

Arsenal ayaa doonaysay saxiixa xiddiga si ay ugu xaliso dhibaatada daafac ee haysata kooxda laakiin wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu iska diiday ku biirista

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here