Tartanka Premier League: Kulamada Muhiimka Ah Ee Go,aamin Doona Tartanka Liverpool & Man City Ugu Jiraan Horyaalka

Tartanka Loogu jiro horyaalka premier League ayaa u muuqda mid lagu kala qaadi doono dirqi ama dhibco aad u yar xilli ay Liverpool hogaaminayso kulanka.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa sii haysta kaalinta 1-aad ee premier league kadib markii ay guul weyn ka gaadheen kooxda Watford Arbacadii.

Laba Gool oo uu Mane dhaliyay, laba gool oo uu Van Dijk dhaliyay iyo Gool Origi ah ayaa Liverpool ka caawiyay guul 5/0 ah.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa dhankeeda cadaadiska ku sii haysa Liverpooln iyaga oo dirqi uga badiyay West Ham.

Gool uu Sergio Aguero ku dhaliyay Rikoodhe ayaa Man City ka caawiyay in ay hal dhibic ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka.

Man City ayaa kaalinta 1-aad la wareegi karta Sabtida hadii ay ka badiyaan Bournemouth kulan ka dhici doona garoonka Vitality Stadium.

Liverpool ayaa kadib ku qasbanaan doonta in ay guul ka gaadho Everton Axada hadii ay u baahantahay in ay hogaanka kala wareegto Man City kulan ka dhici doona Goodison Park.

Xilli ay 10 kulan hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareeedkan waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa kulamada u hadhsan labada kooxood ee go,aamin kara horyaalka.

Kulamada Liverpool Uga Hadhay Dhamaadka Premier League:

Mar 3 : Everton (Marti)

Mar 10: Burnley (Minin)

Mar 17 : Fulham (Marti)

Mar 31: Tottenham (Minin)

Apr 5 : Southampton (Marti)

Apr 14: Chelsea (Minin)

Apr 21: Cardiff (Marti)

Apr 26 : Huddersfield (Minin)

May 4 : Newcastle (Marti)

May 12 : Wolves (Minin)

Ku dhawaad 20 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay ku guulaystay sanadkii 1990-kii.

Sugitaankii badnaa ayaa dhamaan kara xilli ciyaareedkan xilli ay Reds haatan hogaaminayso horyaalka Laakiin ay bil adag u soo socoto, Reds ayaa marka hore booqan doonta kooxda Everton ka hor kulanka Weyn ee ay marti galin doonaan kooxda Tottenham wixii intaas ka dambeeya kulamada premier League ayaa u fududaan doona Reds iyada oo kaliya chelsea la ciyaari doona kulan weyn iyaga oo la ciyaari doona bisha April xilli ay dib u heli doonaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda sida Joe Gomez & Alex Oxlade-Chamberlain.

Kulamada U Hadhsan Man City Premier League:

Mar 2 : Bournemouth (Marti)

Mar 9 : Watford (Minin)

Mar 30: Fulham (Marti)

Apr 6 : Cardiff (Minin)

Apr 14 : Crystal Palace (Marti)

Apr 20 : Tottenham (H)

Apr 24: Man Utd (Marti)

Apr 28: Burnley (Marti)

May 4: Leicester (Marti)

May 12 : Brighton (Marti)

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa ku kalsoon in aanay si dhib yar ku sii dayn doonin horyaalka Laakiin waxa ay wajihi doonaan bil adag bisha April hadii ay u baahan yihiin in ay ku guulaystaan horyaalka markii 2-aad oo xiriir ah waxa ay indhaha oo dhan hayn doonaan kulanka ay Tottenham marti galin doonaan wakhti dambe oo bisha April ah ka hor inta ayna marti u noqon kooxda ay sida weyn ugu xafiiltamaan Magaalada Manchester ee Man United laakiin waxa ay rajanayaan in ay Liverpool guuldaro la kulanto ka hor inta aan kulamadaas la gaadhin si ugu guulaystaan horyaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here