Tartanka Loogu Jiro Gool Dhalinta Premier League Oo Sii Xoogaysanaya & Aguero Oo Hogaaminaya

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa wali sii hogaaminaya tartanka gool dhalinta gool dhalinta premier League kadib todobaadkii 30-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga Mohamed Salah Ayaa ku xiga kaalinta 2-aad-na ku jira inkasta oo uuna wax gool ah dhalin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Dhanka kale Pierre-Emerick Aubameyang oo gool dhaliyay ayaa la goolal noqday Mohamed salah kadib goolkii uu ka dhaliyay Man United.

Si la mid ah xiddigaha Tottenham ee Harry Kane ayaa si la mid ah dhaliyay goolkiisii 17-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Sadio mane ayaa dhankiisa dhaliyay goolkiisii 16-aad halka Raheem Sterling ayaa dhankiisa dhaliyay goolkiisii 15-aad halka Eden Hazard dhaliyay goolkiisii 13-aad.

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida loogu kala sareeyo gool dhalinta horyaalka premier Leageu:

Sergio Ag├╝ero: 18 Gool

Mohamed Salah: 17 Gool

Pierre-Emerick Aubameyang: 17 Gool

Harry Kane: 17 Gool

Sadio Mane: 16 Gool

Raheem Sterling: 15 Gool

Eden Hazard: 13 Gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here