Tartanka Loogu Jiro Abaalmarinta Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub Oo Meel Xiiso & Xamaasad Leh Maray, Sidee Loo Kala Sareeyaa?

Xiddiga Nomme Kalju’s Liliu ayaa wali hogaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub Inkasta oo uu cadaadis ku saaran yahay 31-kiisa gool maadama uu gool walba u dhigmo kaliya hal dhibic.

Lionel Messi ayaa kaalinta 3-aad kaga jira tartanka gool dhalinta kabta dahabka ah isaga oo kaliya hal dhibic ka dambeeya xiddiga hogaanka u haya gool dhalinta.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo ayaa wacadaro dhigaya isaga oo kaliya hal gool ka dambeeya xiddiga Barcelpna ee Lionel Messi.

CR7 ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay Juventus guusha ka gaadhay kooxda Sampdroia taas oo ka caawisay in uu gaadho goolkiisii 14-aad ee Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha ilaa haatan ugu cad-cad in ay ku guulaystaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub ayaa kala ah Messi, Cristiano, Kylian Mbappe, Harry Kane & Mohamed Salah.

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loogu Kala Sareeyo Tartanka Gool dhalinta Yurub:

Liliu (Nomme Kalju), 31 goals, 31 Dhibcood
Mbaye Diagne (Kasimpasa), 20 goals, 30 Dhibcood
Leo Messi (Barcelona), 15 goals, 30 Dhibcood
Zakaria Beglarishvili (Flora Tallinn), 30 goals, 30 Dhibcood
Paulinho (BK Hacken), 20 goals, 30 Dhibcood
Patrick Hoban (FC Dundalk), 29 goals, 29 Dhibcood
Cristiano Ronaldo (Juventus), 14 goals, 28 Dhibcood
Nikolay Komlichenko (FK Mladá Boleslav), 18 goals, 27 Dhibcood
Robert Skov (Copenhague), 18 goals, 27 Dhibcood
Roman Debelko (FCI Levadia), 27 goals, 27 Dhibcood
Linus Hallenius (GIF Sundsvall), 18 goals, 27 Dhibcood
Kylian Mbappé (PSG), 13 goals, 26 Dhibcood
Aubameyang (Arsenal), 13 goals, 26 Dhibcood
Piatek (Genoa), 13 goals, 26 Dhibcood
Kane (Tottenham), 13 goals, 26 Dhibcood
Salah (Liverpool), 13 goals, 26 Dhibcood
Paco Alcácer (Borussia Dortmund), 12 goals, 24 Dhibcood
Luca Jovic (Eintracht), 12 goals, 24 Dhibcood
Emiliano Sala (Nantes), 12 goals, 24 Dhibcood
Quagliarella (Sampdoria), 12 goals, 24 Dhibcood

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here