Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Sii Xoogaysanaya, Yaa Hogaaminaya?

0

Waxa si Rasmi ah u soo dhamaaday qaybtii hore ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League kadib markii kulamadii todobaadkii 19-aad la ciyaaray xalay.

Tartanka ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo ay sii xoogaynayayaan tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang, Mohamed Salah iyo Harry Kane oo ah xiddigaha ilaa haatan isku baacsanaya gool dhalinta horyaalka premier League ayaa dhamaantood shabaqa soo taabtay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay gool kulankii ay kooxda Arsenal bar-baraha la gashay kooxda Brighton isaga oo hogaanka u haya gool dhalinta horyaalka.

Mohamed salah ayaa dhankiisa dhaliyay gool kulankii ay Liverpool guusha weyn ka gaadhay kooxda Newcastle isaga oo kaalinta 2-aad kaga jira gool dhalinta.

Xiddiga Tottenham ee Harry Kane ayaa isna gool u dhaliyay kulankii ay Spurs guusha weyn ee 5/0 ah ka gaadhay kooxda Bournemouth isaga oo ku jira kaalinta 3-aad.

Xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard oo isagu guul ku hogaamiyay kooxdiisa una dhaliyay 2-dii gool ee ay dhalisay kulankii Watford ayaa ku soo biiray gool dhalinta.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loogu Kala Sareeyo Gool dhalinta Premier League:

Pierre-Emerick Aubameyang: 13 gool

Mohamed Salah: 12 gool

Harry Kane: 12 gool

Eden Hazard: 10 gool

Raheem Sterling: 9 gool

Richarlison: 9 gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here