Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Sii Xoogaysanaya & Xiddigaha Oo Isku wada Dhaw

Tartanka Gool dhalinta horyaalka premier League ayaa ah xilli ciyaareedkan ah mid kaba xiiso badan tartanka loogu jiro hanashada horyaalka premier League iyada oo ilaa haatan lagu kala bixi laayahay.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa gool ka dhaliyay kulankii ay kooxda Liverpool guusha weyn ka gaadhay Liverpool isaga oo gaadhay goolkiisii 13-aad ee horyaalka.

Dhanka kale xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa dhaliyay gool kulankii ay Tottenham guuldarada kala kulabtay kooxda Wolevs.

Xiddiga Arsenal ee Aubameyang ayaa isagu ku fashilmay in uu wax gool ah ka dhaliyo kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Liverpool.

Xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa dhankiisa dhaliyay gool kulankii ay man City guusha ka gaadhay kooxda Southampton kadib markii uu muddo goolasha ka maqnaa.

Halkan Hoose Kaga Bogo sida loogu kala sareeyo tartanka gool dhalinta.

Mohamed Salah (Liverpool) 13 Gool

Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 13 Gool

Harry Kane (Tottenham) 13 Gool

Eden Hazard (Chelsea) 10 Gool

Sergio Aguero (Man City) 9 Gool

Raheem Sterling (Man City) 9 Gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here