Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xiis & Xamaasad Leh Maraya, Yaa Hogaaminaya?

Tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ayaa ah mid xiiso leh iyada oo ay xiddigo badan isku baacsanayaan ku guulaysigiisa.

Xiddiga reer Gabon iyo kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Cardiff City waxana uu cadaadiska saaray xiddiga Mohamed salah.

Mohamed Salah ayaa ah hogaamiyahay gool dhalinta premier League inkasta oo uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo kulankii Leicster City.

Xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa dhankiisa dhaliyay gool kulankii ay man city guuldarada kala kulantay kooxda Newcastle.

Halkan Hoose Kaga Bogo sida loogu kala sareeyo tartanka gool dhalinta premier League:

Mohamed Salah: 16 gool

Pierre-Emerick Aubameyang: 15 gool

Harry Kane: 14 gool

Sergio Agüero: 11 gool

Eden Hazard: 10 gool

Raheem Sterling: 10 gool

Callum Wilson: 10 gool

Aleksandar Mitrovic: 10 gool

Richarlison: 10 gool

Sadio Mané: 10 gool

Glenn Murray: 10 gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here