Tartanka Gool Dhalinta Premeir League Oo Meel Xasaasi Ah Maraya & Sergio Aguero Oo Hor Boodaya.

Tartanka Gool dhalinta premier League ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh kadib todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier league.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa si buuxda ula wareegay hogaanka gool dhalinta kadib markii uu gool ka dhaliyay.

Mohamed salah ayaa dhankiisa ku jira kaalinta 2-aad kadib markii uu ku fashilmay in uu wax gool ah ka dhaliyo kulankii ay Reds 5/0 uga Badisay Watford.

Dhanka kale xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay gool kulankii ay koxodiisu ka gaadhay guusha weyn kooxda Bournemouth.

Halka uu sadio Mane dhaliyay 2 goolkii Watford ee ay Liverpool xasuuqday kana dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida ay wax isaga badaleen tartanka gool dhalinta premier League:

Sergio Aguero: 18 Gool
Mohamed Salah: 17 Gool
Pierre-Emerick Aubameyang: 16 Gool
Harry Kane: 15 Gool
Sadio Mane: 14 Gool
Eden Hazard: 12 Gool
Raheem Sterling 12 Gool
Alexandre Lacazette: 12 Gool
Paul Pogba: 11 Gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here