Tababare Zidane Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Gareth Bale Ee Real Madrid , Miyuu Baxayaa Mise ?.

Tababare Zidane ayaa ka hadlay heer ciyaareedka weeraryahankiisa Benzema iyo mustaqbalka Gareth Bale kaasi oo warar kala duwan hareeyeen aayihiisa kooxdaas .

Zidane ayaa xusay in Benzema uu ahmiyad gaar ah u leeyahay weerarka kooxdaas , waxa ayna tani imaaneysaa ka dib markii uu kooxdaas sabtidii ku hogaamiyay guul laba gool iyo hal ah oo ay ka gaareen Eibar

” Xilli ciyaareedkaan , Benzema waxa uu soo bandhigayaa heer ciyaareed aad u wacan waliba saaxib ayuu la yahay goosha , waa laacib mar waliba laga filan karo natiijo”. ayuu yiri Zidane

Mar uu ka hadlayay mustaqbalka Gareth Bale iyo suura galnimada ah in uu baxo xagaaga ayuu Zidane yiri ” Bale wali hishiis ayuu kula jiraa Real , weli waa xiddig Real ah balse aan aragno waxa dhaca mustaqbalka , illaa haatan ma jirto wax aan go`aaminay”.

Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay heer ciyaareedkii Isco ee kulankii Eibar waxa uuna macalinka yiri” in badan kama duwana saaxibada kooxdiisa , si wacan ayuu u sameeyaa tababarka hanaan ciyaareed wacan ayuu soo bandhigayaa waxa uuna leeyahay qorshayaal weyn ee uu doonayo i uu gaaro”

Isco ayaa kulankaas ku soo biloowday ka hor inta aan la badallin daqiiqaddii 90-aad ee dhamaadka ciyaartii Eibar ee ay Real ku badiyeen 2/1-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here