Tababare Unai Emery Oo Xaqiijiyay In Ay Kooxdu Ka Shaqaynayso Dhamaystirka 2 Saxiix.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal ka shaqaynayso dhamaystirka laba saxiix ka hor inta uuna suuqu xidhmin laakiin sidoo kale sheegay in ay saxiix la,aan bixi karaan.

Tababaraha Gunners ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa iyada oo lala xiriirinayo xiddigaha Denis Suarez iyo Ivan Perisic.

Markii wax laga waydiiyay in ay Arsenal la soo saxiixan karto xiddigo cusub ka hor inta uuna khamiista suuqu xidhmin ayuu yidhi” Waxba ama suurtagalnimada 2 xiddig”.

“Waxa ay u dhexaysaa in aan waxba la soo saxiixan wayno ama aan laba xiddig la soo saxiixano”.

“Waxba hadii aanay hayn xiddigaha aan doonayo si ay noo caawiyaan, waxa aan jecelahay in ayna waxba iman”.

“Labada xiddig ee ay kooxdu ka shaqaynayso waa laba xiddig oo kala duwan oo si weyn noo caawin kara”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here