Tababare Solskjær oo shaaca ka qaaday siyaasadiisa kaga aadan suuqa xagaaga ee soo aadan

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa shaaca ka qaaday siyaasadiisa kaga aadan suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo aadan.

Maamulka kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu magacaabeen tababare Ole Gunnar Solskjær macalinka sida tooska ah u maamuli doono  Red Devils, kadib xaaladii niyad jabka ahayd uu kasoo saaray iyo guulihii uu la gaaray.

Solskjær ayaa ku guuldareystay in Manchester United uu ka saaro jawiga xumaa uu ka abuuray macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho gudaha garoonka Old Trafford, wuxuuna gaaray guulo xiriir ah.

Guulaha uu gaarsiiyay tababare Ole Gunnar Solskjær kooxda Manchester United waxaa ugu muhiimsan guushii soo laabashada cajiibka ahayd ay kaga gaareen PSG wareega 16-ka ee tartanka Champions League, taasoo sababtay inay u gudbaan wareega siddeed dhamaadka.

Hadaba shabakada caanka ah ee “BBC” ayaa daabacday wareysi uu Ole Gunnar Solskjær kaga hadlay siyaasadiisa kaga aadan suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo aadan.

“Kuma bixin doono lacagta, waa la bixiyaa oo kaliya”, taasoo uu kula jeedo inay u isticmaali  doonaan si fiican.

“Manchester United waa koox heysata dhaqaalo xoogan, laakiin dadka way i garanayaan, inaan si fiican u isticmaali doono”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here