Tababare Sollari Oo Farriin U Diray Barcelona , Xaaladda Isco Ee Kulankaas-na Wuu Ka Hadlay

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Sollari ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa dooneyn wax dhibic ah in ay qasaariyaan marka ay ka hor tagaan Barcelona oo ay sabtida ku marti gilinayaan kullan ka tirsan wareegga 26-aad ee La Ligaha.

Barcelona ayaa Real ka reebtay Cope Del Rey ka dib lugtii labaad ee semi finalka oo ay garoonka Real ku ciyaareen xilli ligtii hore ee Camp Nou ay ku dhameysteen bar bar dhac min hal gool ah .

Kulan wareedka ka horeeya kulanka beri ayuu Sollari yiri” waxaan dooneynaa in dhibco cusub ka helno La Ligaha , waxaa qasab nagu ah in aan saxno qaladaadka waliba waxaan dagaal u galeynaa in aan soo yareeno dhibcaha aan ka hooseyno Barca iyo Atletico Madrid .

Kulankii arbcada ayuu soo hadal qaaday ” Real si wacan ayay u ciyaareen , fursado bdan ayaan helnay balse nasiibka ayaa naga diiday” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn waxa uu diiday in uu ka hadlo ganaaxa daafaciisa Ramos balse waxa uu xaqiijiyay in Isco uu kulankaas ciyaarayo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here