Tababare Santiago Solari” Hal Arin Darteed Ayaan Isco U Safin Kulankii Xalay Ee Espanyol”

0

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa daboolka ka qaaday sababta ka dambeysay ee in qadkiisa dhexe ee Isco uusan ciyaarsiin kulankii Espanyol ee La Ligaha .

Real ayaa kulankaas ku soo badisay afar gool iyo laba waxaana sedex ka mid ahaa lahaa Benzema xilli kan afaraad uu saxiixay Bale , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 21-aad ee La Ligaha

Isco ayaa weli ka sii maqan shaxda asaasiga Real kulankii xalayna cagta ma uusan soo saarin kulanka inkastoo qeybta labaad la arkayay isaga oo is kululeynaya .

Tababare Santiago Solari ayaa ka dib kulankaas yiri” ciyaaryahan waliba waxa uu doonayaa in uu safto kulamada , waana iska dabiici ah in laacibka uu dareemo murugo haddii uusan ciyaarin”

“Isco iyo Dani Ceballos waxa ay u dhawaayeen in ay ka qeyb galaan kulankaas balse markii kaarka caska ah la siiyay Varane waxaa ku qasbanaaday in aan goosheena ilaalsanno gaar ahaan Ramos-na qeybtii hore ayuu dhaawacmay”.

Macalinka ayaa intaas sii raaciyay” ugu dambeyn waxaan soo bandhignay hanaan ciyaareed wacan sedexda kullan ee ugu dambeeyay , natiijadana waxa ay aheyd guulo , waxaan rajeynayaa in aan waddaas ku sii soconno”.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Real haatan ku jiraan booska sedexaad iyaga oo leh 39 dhibic waxa ayna 10 dhibic ka hooseeyaan kooxda hogaanka haysa ee Barcelona

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here