Tababare Pep Guardiola Oo Si Faah Faahsan Uga Jawaabay Heshiiskii La Sheegay In Uu La Gaadhay Juventus- Miyuu Etihad Stadium Ka Bixi Doonaa?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si adag uga jawaabay wararkii sheegayay in uu heshiis afar sanadood ah la gaadhay kooxda Juventus. Shalay ayay ahayd markii uu soo baxay warka sheegayay in Guardiola uu haddaba heshiis buuxa la sii gaadhay kooxda Juventus.

Wariyaha gargayska Il Giornale ee Luigi Guelpa ayaa shaaciyay in ilwareedkii hore ugu sheegay in Cristiano Ronaldo uu Juventus ku soo biirayay uu markana u xaqiijiyay in Guardila uu heshiis afar sanadood ah la gaadhay kooxda Juventus si uu badal ugu noqdo Maxi Allegri oo la filayo in uu baxo.

Guardiola ayaa eedayn xoogan u soo jeediyay warbaahinta wuxuuna waydiiyay su’aalo ayna ka jawaabi karin isaga oo u sheegay sababta ay xidhiidh ula soo samayn waayeen isaga, wakiilkiisa ama kooxdiisa ka hor inta ayna qorin war ayna hubin.

Guardiola oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Waxaan sheegi karaa in aan maanta ogahay saamaynta baraha bulshada. Laakiin anigu maan fahmin sababta saxaafadu ay boggagooda ugu waa wayn ugu sheegi karaan ‘Pep waxa uu afarta sanadood ee soo coda tagayaa Juventus’. Anigu maan fahmin”.

Pep Guardiola oo hadalkiisa kulul sii wata ayaa yidhi: ” Anigu maan fahmin sababta ay dadku u sheegayaan in aan tagi doono Juventus ee ayna u soo wicin kooxda, aniga ama ayna wakiilkayga u soo wicin, Juventus ama Massimiliano Allegri”.

Guardiola ayaa raali galin siiyay Massimiliano Allegri oo shaqadiisa Juventus lala xidhiidhinayay laakiin balan qaadka uu Guardiola sameeyay ayaa noqday mid buuxa wuxuuna yidhi: “Waxaan aad uga xumay Massimiliano Allegri, waxaan halkan ku haystaa laba sanadood oo dheeraad ah isla markaana ma doonayo in aan dhaqaaqo-waa wax aan suurtogal ahayn ilaa ay iyagu shaqada iga caydhinayaan. Kadib gurigayga ayaan tagi doonaa”.

Pep Guardiola oo sharaxaadiisa sii wata ayaa yidhi: “Laakiin haddii ay aniga Manchester City idoonayaan waxaan wali haystaa laba sanadood oo dheeraad ah, waxaan rajaynayaa mid kale. Anigu labada xili ciyaareed ee soo socda Juventus uma socdo”.

Intaa kadib Guardiola ayaa canaan la beegsaday saxaafada wuxuuna yidhi: “Laakiin indinka ayay dhibaatadiina tahay, haddii aad doonaysaan in sheegtaan in maalin uu nin twitterka ku soo qoro in aan doonayo in aan tababaro USA kadib aad boggaga wargaysyada ku qortaan in aan doonayo in aan tababaro USA, maxaan sheegi karaa? waxba”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here