Tababare Ole Gunnar Solskjær Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa United Ka Dib Markii Uu Xalay Ku Hogaamiyay Wareegga 8-da Champion-ka

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man United ka dib markii uu kooxdaas xalay ku hogaamiyay wareegga 8-da ee Champion-ka

United ayaa xalay sedex gool iyo hal waxa ay ku soo garaaceen PSG oo ay lugtii hore ku hor kufeen xilligaas oo looga badiyay laba gool oo nadiif ah.

Inkastoo isu geynta goolasha labadaas kulan ay yihiin 3/3 hadana United ayaa ku soo baxday xeer ahaan maadaama garoonka PSG ay ku dhaliyeen sedex gool

Hadaba macalinkaas aya BBC Sport ka yiri ” haatan kama hadli karo arintaas waayo waayo goobta aan joogno waa buuq waxaan lagu jiraa jawi wacan”.

Waxa uu intaas sii raaciyay macalin Ole ” aaan aragno waxa dhaca xagaaga xilligaas ayay wax waliba kala cadaanayaan”

United ayaa macalinkaas la hishiisay bishii December ee sanadkii hore ka dib markii ay shaqada ka eriyeen macalin Jose Mourinho , waxa uuna kooxda dib ugu soo celiyay wadada guulaha

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here