Tababare Massimiliano Allegri Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Juventus Ka Dib Guul Darardii Ay Uga Hareen Champion-ka

Tababaraha kooxda Juventus ee Allgeri ayaa ka go`aamiyay mustaqbalkiisa kooxdaas ka dib markii ay xalay ka hareen tartanka Champion-ka .

Ajax ayaa Juve ku garaacday 2/1 oo ay kaga hartay tartankaas oo ahaa lugta labaad ee wareegga 8-da Champion-ka xilli kulankii horena uu ku dhamaaday min hal gool

” Qeybta hore si wacan ayaan u ciyaarnay balse qeybtii labaad guud ahaan Ajax ayaa kubadda haysatay” ayuu tababare Allgeri ka yiri Italy Football.

“Run ahaantii Ajax waa mudnaayeen in ay u gudbaan wareegga 4-ta taasina shaki kuma jirrin”.

” Yaan iloobin laba sano ka hor waxaan joognay finalka tartankaas , waxaa jira xiddigo kooxda ah oo da`yar oo u baahan in ay helaan qibrad badan”.

Mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa kooxdaas ayuu Allgeri yiri” laba maalin ka hor ayaan la kulmay madaxa Juve waxaan u sheegay in aan sii joogo”.

” Mar kale dhamaadka xilli ciyaareedkaan ayaan kulmeynaa si aan qorshaha mustaqbalka uga hadalno” ayuu sii raaciyay tababaraha Juve ee Allgeri .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here