Tababraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa beeniyay wararka sheegayay in uu jiro qilaaf kala dhaxeeya isaga iyo xiddigiisa Mohamed Salah
Saxaafadda France iyo Spain ayaa dhawaanahaan qorayay in laacibka iyo tababarihiisa aysan isku wacneyn inkastoo aysan si dhab ah aysan u sheegin waxa uu salka ku hayo qilaafkaas
Sky Sport ayuu Klopp ka yiri ka dib kulankii xalay ” ha rumeysanina xittaa %3 wararka lagu saxaafadda iyo baraha bulshada”
“Ma jiro qilaaf ama dood ina dhex martay Mohamed Salah waxa baraha bulshada qoreysana waa been ” ayuu sii raaciyay tababare Klopp
Liverepool ayaa haatan si ku meel gaar ah u haysa hogaanka horyaalka ka hor kulanka axadda ee Man City iyo Burnley
Advertisement