Tababare Gattuso Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya in Gonzalo Higuaín Uu Ku Wajahan Yahay Chelsea.

0

Tababaraha kooxda AC MIlan ee Gennaro Gattuso ayaa daboolka ka qaaday in aad uu ugu kalsoon yahay in weeraryahankiisa Gonzalo Higuaín uu baaqi ku sii ahaanayo kooxda .

Laacibkaas reer Argentina ayaa amaah ugu jooga AC Milan waxa uuan gaaraya muddo hal xilli ciyaareed ah isaga oo ka soo maqan Juventus .

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay xoogeystay wararka sheegaya in bisha dambe uu Gonazlao ka huleelayo AC Milan maadaama Juve dooneyso in hishiis is weydaarsi ah ay la smaeyso Chelsea

Tababarahaaan ayaa BBC Sport ka yiri” mar waliba waan maqlaa wararkaas hishiis is dhaafsiga ah balse wax aan aniga hubo ayaa ah in uu nala sii joogayo”

” Maalin waliba ayaan la hadlaa Gonzalo Higuaín , waxaana rajeynayaa in hanaankii lagu yaqiinay ee gool dhalinta in uu ku soo laaban doonno” ayuu sii raaciyay Gennaro Gattuso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here