Tababare Allgeri Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Gonazalo Higuaín Uu Qarka U Saaran Yahay In Uu Ku Biiro Chelsea

Tababaraha kooxda Juventus ee Allgeri ayaa ka hadlay suura galnimada ah in Gonazalo Higuaín uu u wareego kala wareeggaan kooxda Chelsea ee horyaalka Ingiriiska

Laacibkaas reer Argentina ayaa xagaagii hore amaah uga soo huleelay Juventus isaga oo Milan u ciyaaraya illaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan

Waxaa cirka isku sii shareeraya wararka sheegaya in laacibkaas hore ee Napoli uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda Chelsea

Mar macalinkaas Juve wax laga weydiiyay arintaas ayuu Algeri yiri ” Gonazalo ma Chelsea ayuu ku sii jeedaa? arintaas weli wax kama ogi”.

Isaga oo ka hadlayay shabakadda Italy Football ayuu Algeri yiri” Gonazalo waxaan la shaqeeyay muddo laba sanno ah wax waliba si wacan ayay u socdeen”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here