Tababaraha Xulka Qaranka Argentine Lionel Scaloni Oo Kashifay Go,aankiisa Ku Aadan Ee Lionel Messi Kulanka Caawa

Tababaraha xulka qaranka Argentine ee Lionel Scaloni ayaa go,aan kama dambays ah ka gaadhay ciyaarsita xiddiga ugu muhiimsan xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi kulanka uu xulka Argentine la ciyaari doono caawa Venezuela,

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaawac yar ka dareemaya Canqawga waana arin la ogaaday shalay oo khamiis ahayd.

Lionel Scaloni oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Messi waxa uu la mid yahay xiddigaha kale ee kubada cagta waxana uu wakhtigan dareemayaa daal aad u badan laakiin waxa aan ula socon doonaa si dhaw”.

Tababaraha ayaa xaqiijiyay in uu Lionel Messi ciyaari doono kulanka caawa inkasta oo ay wararku sheegayaan in uu dhaawacan yahay.

Laakiin tababaraha ayaa sheegay in laga yaabo in uu Lionel Messi nasiyo kulanka Morocco ee todobaadka dambe si uu ugu laabto Barcelona.

Lionel Messi ayaa caawa ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka Argentine tan ilaa koobkii adduunka Russia 2018.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here