Tababaraha Xulka Brazil Ee Tite Oo Si Maldahan U Sheegay In Uu Neymar Dhaawaca Muddo Dheer Ku Maqnaan Doono

Tababaraha Xulka qaranka Brazil ee Tite sheegay in uu xulka qaranka uga yeedhi doono xulalka 100% taam ah si ay uga qayb qaataan tartanka Copa America ee bilaabmi doona xagaagan.

Hadalka uu sheegay Tite ayaa si maldahan cadayn ugu ah in uu xiddiga reer Brazil ee Neymar seegi doono koobka Copa America oo lagu qaban doono dalka Brazil maadama uuna wakhti hore ka soo kabsan doonin dhaawacii soo gaadhay.

Tababare Tite ayaa go,aansaday in uu Neymar ku booqdo caasimada France si uu u ogaado xaalka xiddiga oo ka dhaawacmay isla halkii uu dhaawacu ka soo gaadhay xagaagii hore ka hor koobkii adduunka.

“Ma qaadi karo masuuliyada u yeedhista Neymar isaga oo dhaawacan si uu uga qayb qaato koobka Copa America, xitaa hadii aan booskayga shaqada ku waayi karo, ma ahan in uu xiddigaas naftiisa khatar galiyo”.

Xiddiga reer Brazil ayuu dhaawac jab ah ka soo gaadhay la lugta midig ah oo ah isla halkii uu ka dhaawacmay xagaagii hore wakhtigan oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here