Tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino Oo Sheegay In Uu Hal Habeen Taageere U Ahaa Man United & Ole Gunnar Solskjaer Oo Sabab U Ah

0

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in uu hal habeen ahaa taageere Man United ah iyo waliba tababaraha haatan ku meel gaadhka u ah ee Ole Gunnar Solskjaer oo sabab u ahaa.

Tababaraha reer Argentine ayaa qirtay in uu dabaal degayay kulankii ay Man United ku guulaystay champions League sanadkii 1999 markaas oo uu Ole Gunnar Solskjaer dhaliyay goolka guusha.

Pochettino & Solskjaer ayaa iska hor iman doona maanta kulan ka dhici doona Wembely kana tirsan tartanka champions League.

Tababaraha ayaa ka hor kulanka qirtay in uu ahaa taageere Man United ah hal habeen xilli si weyn loola xiriirinayo in uu noqdo tababarhaa buuxa ee Man United.

Waa uu shaaca ka qaaday in isaga iyo xiddigii hore ee ay u wada ciyaari jireen Espanyol haatana ah tababaraha goolhayaha Tottenham ee Toni Jimenez ay wada joogeen garoonka Barcelona ee Camp Nou kula ahaa filanka champions League oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Bayern Munich iyo Man United.

“Waxa aan halkaas joognay si aan aniga iyo Toni u daawano kulan cajiib ah”.

“Laakiin sidii aan u qaylyay markii ay Man United dhalisay goolka ayaa ahayd si cajiib ah”.

“Waxa ay ahayd daqiiqadii 90-aad markii uu dhaliyay Teddy Sheringham markii uu goolhaye Peter Schmeichel Madaxa galay”.

“Waxa aan Idhi “Cajiib” waa Maxay kulankan cajiibka ah haatan waa Wakhtigii dheeriga”.

“Kadib Solskjaer ayaa dhaliyay, waxa aan ahayn qaar Qaylyaya, dabaal degaya ma garanayo sababta, waxa laga yaabaa in ay wakhtigu ahaa mid cajiib ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here