Tababaraha Man United Ee Ole Gunnar Oo Juventus Ka Caawin Kara Saxiixa Lukaku, Qaabkee?

Saxaafadda Italy ayaa qoreysa in kooxda Juventus ay haminayaan in ay dalab ka geeyaan saxiixa weeraryahanka United ee Lukaku marka todobaadka dambe uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Lukaku ayaan waqti wacan kuma haysan United tan iyo biloowga xilli ciyaareedkaan sababa la xariira dhaawacyo isaga oo ka fogaaday gool dhalinta kulamada uu u safto

Bogga Clacico Mercato ayaa sheegaya in Juventyus ay aaminsan yihiin in 25 sano jirkaas uu badal muddo fog ah ugu noqon karo weeraryankooda Mario Mandžukić .

Sida warar laga helayo Ingiriiska sheegayaaan tababaraha cusub United qorshaha uguma jiro Lukaku waxa uuna ku qanacsan yahay Rashford iyo Martaial sida dhacday kulankiisii ugu horeeyay ee maamulka kooxdaas xilligaas oo ay ka hor tageen kooxda Cardiff City

Ka dib heer ciyaareekii uu Lakaku ku soo muuqday koobkii aduunka waxa uu soo jiitay kooxo kala duwan balse tababarihii shaqada laga eriyay ee Jose ayaa diiday in laacibkaas uu baxo .

Lakaku ayaa xilli ciyaareedkaan illa haatan dhaliyay 6 gool ka dib 22 kullan oo uu kooxdaas la soo muuqday halka weeraryahanka Juve ee Mandzuki uu dhaliyay 9 gool ka dib 19 kullan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here