Taariikhda Tartanka Supercoppa Italina & Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan Tartanka Ka Hor Kulanka Ac Milan iyo Juventus Ee Caawa

Kooxaha Ugu guulaha badan koobka Supercoppa ayaa maanta isaga hor iman doona xilli kooxaha Ac Milan iyo Juventus calafkooda ku kala qaadi doonaan kulanka Supercoppa.

Ac Milan iyo Juventus ayaa ah kooxaha ugu guulaysiga badan taariikhda tartanka iyada oo labadooduba ku guulaystay min 7 jeer.

Kooxda caawa kor u qaada koobka ayaa noqon doonta kooxda ugu guulaysiga badan tartanka iyada oo kali ku noqon doonto rikoodhka.

Waxa jira 11 final oo la qabtay tartanka tan ilaa 1989 lakiin kaliya 9 kooxood ayaa ku guulaystay koobka.

Inter Milan ayaa ku xigta kooxaha Ac Milan iyo Juventus kuwaas oo ku guulaystay 5 jeer waxa ku xigta kooxda Lazio oo ku guulaystay 4 halka Roma iyo Napoli ku guulaysteen min 2 jeer.

Kooxaha Fiorentina & Sampdoria ayaa ku xiga kuwaas oo min koob ku guulaystay tartanka halka kooxaha Torino iyo Vicenza gaadheen filanka laakiin laga qaaday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here