TAARIIKH: Mohamed Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Liverpool Ee Premier League

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ugu dambayn ka baxay abaartii goolasha horyaalka premier League kadib markii uu gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay guusha ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa premier league.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 49 gool ka hor goolkii xalay isaga oo ku dhibaatooday in uu wax gool ah dhaliyo 6-dii kulan ee ugu dambeeyay laakiin xalay gaadhay goolkiisii 50-aad ee premier League isaga oo ay ku qaadatay kaliya 69 kulan.

Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii ugu deg-dega badanaa ee taariikhda Liverpool dhaliya 50 gool isaga oo ay kaliya ku qaadatay 69 kulan oo premier League in uu dhaliyo goolashaas.

Salah ayaa dhaafay xiddigo badan oo halyeeyo ah iyo xiddigo kale oo ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ee soo maray kooxda Liverpool taariikhdeeda isaga oo dhamaantood kulamo ka yar ay ku qaadatay in uu ku dhaliyo 50 gool oo premier League.

Mohamed salah ayaa dhaafay xiddigaha Fernanado Torres, Luis Suarez iyo Robbie Fowler kuwaas oo 50 kulan oo premier League ah Reds u dhaliyay tiro kulamo ah oo ka badan Salah.

Salah ayaa 32 gool oo premier League ah u dhaliyay kooxdiisa Liverpool xilli ciyaareedkii hore halka uu haatan xilli ciyaareedkan u dhaliyay 18 gool oo premier league ah.

Mohamed Salah: 69 kulan 50 gool

Fernanado Torres: 72 kulan 50 gool

Luis Suarez: 86 Kulan 50 gool

Robie Fowler: 88 Kulan 50 gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here