TAARIIKH: Man United Oo Dhigtay Taariikh U Gaar Ah Kadib Guushii Ay Ka Gaadheen Crystal Palace

Kooxda Man United ayaa gaadhay guul ay u qalantay iyada oo garaacday kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Xiddigaha Romelu Lukaku (2) iyo Ashley Young ayaa Red Devils ka caawiyay in ay gaadho guul ku soo celisay wadada guulaha kadib bar-barihii todobaadkii hore.

Guushaas ayaa la macno ah in ay Man United gaadhay guushii 8-aad oo xiriir ah kulamada ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Sidaas darteed kooxda Man United ayaa taariikhdeeda markii ugu horaysay gaadhay 8 guulood oo xiriir ah kulamada ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda tartantamada oo dhan.

Waxa xusid mudan in ay Man United ku soo laabatay wadada guulaha kadib bar-barihii ay todobaadkii hore la gashay kooxda Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here