TAARIIKH: Man United Oo Champions league Ka Dhigtay Taariikh Aan Abid Horay Uga Dhicin Kadib Guushii PSG

Kooxda Man United ayaa samaysay taariikh aan horay looga dhigin tartanka champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Man United ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kadib markii ay ka soo laabteen guuldaro 2/0 ah oo ay kala kulmeen PSG lugtii 1-aad ee champions League.

Goolal ay dhaliyeen Xiddigaha Romelu Lukaku (2) Iyo Marcus Rashford ayaa Man United ka caawiyay in ay PSG ka gaadhaan guul 3/1 ah.

Kadib guushaas iyo waliba u soo bixista wareega 8 dhamaadka tartanka champions League, Man United ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda champions league wareega xiga u gudubtay kadib markii ay lugtii hore la kulmeen guuldaro 2 gool ah waliba iyaga oo jooga garoonkooda wareega bug baxa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here