TAARIIKH: Man United Oo Ah Kooxda Goolasha Ugu Badan Iska Dhalisay Taariikhda Champions League, Imisa Gool Ayay Iska Dhaliyeen?

Kooxda Man United ayaa guuldaro Niyad jab leh kala kulantay kooxda Barcelona kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa lugtii 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa guusha ku gaadhay hal gool kaas oo uu si khaldan isaga dhaliyay daafaca kooxda Man United ee Luke Shaw kaas oo hogaanka ciyaarta u dhiibay Barcelona.

Kadib goolkaas ay Man United iska dhalisay Red Devils ayaa noqotay kooxda ugu badan ee taariikhda tartanka champions League iska dhalisay goolasha iyaga oo dhigay rikoodh.

Kooxda Man United ayaa taariikhda Tartanka champions League si khaldan isaga dhalisay 8 gool iyaga oo ah kooxda ugu badan ee sidaas samaysa taariikhda Tartanka ugu qiimaha badan yurub.

Luke Shaw ayaa daqiiqadii 12-aad iska sudhay goolka kaliya ee kooxda Barcelona ku hogaamiyay guusha xilli ay Barcelona hal lug lasii gashay wareega Semi-finalka tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here