TAARIIKH: Lionel Messi Oo Noqday Xiddigii Ugu Horeeyay Ee 400 Oo Gool Ka Dhaliya La Liga, Imisa Kulan Ayay Ugu Qaadatay?

0

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa Dhigay rikoodh taariikhi ah oo horyaalka La Liga kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Eibar kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Goolal ay dhaliyeen Luis Suarez (2) iyo Lionel Messi ayaa Barcelona ka caawiyay in ay gaadho guul weyn oo 3/0 ah.

Kadib goolkaas uu Messi ka dhaliyay Eibar waxa uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya 400 oo gool oo horyaalka La Liga ah tan ilaa 2004 markii ugu horaysay ee uu ka soo muuqday.

Messi ayaa kulankiisii ugu horeeyay ka hor tagay kooxda Espanyol kulan dhacay 16 bishii October 2004 isaga oo ciyaaray 8 daqiiqo oo kaliya kadib markii uu badal ku soo galay isaga oo aan wax gool ah dhalin kulankaas.

Leo ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga dhaliyay 1 bishii May sanadkii 2005 isaga oo ka dhaliyay kooxda Albacete.

Sidaas darteed kulankii caawa ee Eibar Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliyay 400 oo gool oo horyaalka La Liga ah.

Xiddiga reer Argentine ee Leo Messi ayaa 400 ee gool ku dhaliyay 435 kulan oo horyaalka La Liga u ciyaaray kooxdiisa Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here