TAARIIKH: Kadib Labadii Gool Ee Uu ka Dhaliyay Blackpool, Da,yarka Joe Willock Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Dhigay Aaron Ramsey

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Blackpool kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka wareegiisii 3-aad.

Goolal ay dhaliyeen Joe Willock (2) iyo Alex Iwobi ayaa Gunners kaga filnaaday in ay iska xaadiriyaan wareega xidga ee tartanka FA Cup-ka.

Da,yarka Joe Willock ayaa dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 3-dii gool ee ay kooxda Arsenal ka dhalisay kulanka ay ku garaacday Blackpool.

Kadib labadaas gool ee uu dhaliyay da,yarka Joe Willock ayaa isku qoray taariikhda kooxda Arsenal ee Tartanka FA Cup-ka.

Joe Willock ayaa labada gool dhaliyay isaga oo jira 19 sano iyo 138 maalmood waxana uu noqday xiddigii ugu da,da yaree ee Arsenal gool u dhaliya kulan FA Cup-ka ah tan ilaa January 2010.

Xiddigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ah Aaron Ramsey isaga oo gool dhaliyay kulan FA Cup ah oo ay Arsenal la ciyaaraysay kooxda West Ham isaga oo jiray 19 sano iyo 8 maalmood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here