TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Jabiyay Rikoodh Taariikhi Ah Oo U Yaalay Horyaalka Serie A-da

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Jabiyay rikoodh taariikhi ah oo u yaalay horyaalka Serie A-da kadib 2-dii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Sampdoria.

Cristiano Ronaldo ayaa 2 gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay guusha 2/1 ah ka gaadhay kooxda Sampdoria kulan ka dhacay garoonka kooxda Juventus kana tirsanaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka Serie A-da.

Kadib labadii gool ee uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa noqday weeraryahankii ugu fiicnaa ee Portugal ah ee horyaalka Serie A-da ka ciyaara sanadkiisii ugu horeeyay.

Ronaldo ayaa dhaafay halyeeyga reer Portugal ee Rui Barros kaas oo ahaa xiddiga reer Portugal ee ugu fiicnaa horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Rui Barros ayaa dhaliyay 12 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay sanadkii 1988/1989 isaga oo u ciyaarayay wakhtigaas kooxda Juventus.

Cristiano Ronalod ayaa haatan dhaliyay 13 gool oo horyaalka Serie A-da ah halka uu sidoo kale dhaliyay 14 gool oo tartamada oo dhan ah iyo 8 caawin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here