TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Horyaalka Serie A-da Ka Dhigay Rikoodh Aan Abid Xiddig Kale Ka Dhigin

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda horyaalka Serie A-da kadib Bar-Barihii ay Juventus la gashay kooxda Atanta kulan ka torsanaa horyaalka Serie A-da.

Xiddiga reer Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa kaydka ka soo kacay kadib guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa kuwaas oo 2/1 lagu hogaaminayay kulanka.

Cristiano Ronaldo ayaa kadyka ka soo kacay daqiiqadii 65-aad kadibna goolka bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 78-aad isaga oo dhaliyay gool madax ah.

Kadib goolkii uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa horyaalka Serie A-da ka dhigay rikoodh aan Abid laga dhalin taariikhda horyaalka Serie A-da.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya 7 kulan oo xiriir ah oo ay kooxdiisu ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Ronaldo ayaa goolal dhaliyay kulamadii Atalanta, Torino, Fiorentina, AC Milan, Empoli, Udinese Iyo Frosinone kuwaas oo uu dhamaantood goolal kaga dhaliyay garoomadooda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here