TAARIIKH: Barcelona Oo Isku Qortay Taariikhda Copa del Rey-ga Kadib Markii Ay Iska Xaadirisay Finalka Tartanka

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Copa del Rey kulan ka dhacay Santiago Bernabue.

Goolal ay dhaliyeen Suarez (2) iyo gool uu iska dhaliyay Raphael Varane ayaa Barcelona ka caawiyay in ay Real Madrid ka gaadho guul 3/0 ah.

Kadib guushaas kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah isaga xaadirisay finalka Copa del Rey xilli ciyaareedkan markii 6-aad oo xiriir ah.

Sidaas darteed Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee oo 6 jeer oo xiriir ah iska xaadirisay finalka tartanka Copa del Rey-ga.

Barcelona ayaa finalka tartanka ku sugi doonta midkood kooxaha Valencia Iyo Real Betis kuwaas oo caawa ku soo kala bixi doona kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here