Taariikh Ahaan… Bayern Munich Oo Ugu Cad-Cad In Ay U Gudubto 8 Dhamaadka

Kooxda Bayern Munich ayaa marti galin doonta Liverpool kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Liverpool ayaa u baahan in ay gaadho guul ama bar-baro goolal ah si ay ugu gudubto wareega 8 dhamaadka tartanka champions League halka ay Bayern Munich u baahantahay guul kaliya si ay wareega xiga u gaadho.

Bayern Munich ayaa isku dayaysa in ay gaadho 8 dhamaadka xilli ciyaareedkii 8-aad oo xiriir ah iyada oo markii ugu dambaysay ee ay wareega ku fashilantay in ay gaadhi waydo ahayd sanadkii 2010/2011 markaas oo ay guuldaro kala kulantay Inter Milan.

Dhanka kale 68% ayay kooxaha bar-baraha gool la,aanta ah ku soo galay meel ka baxsan garoonkooda ay u bexeen wareega xiga ee 8 dhamaadka iyada oo ay sidaas sameeyeen 21 ka mid ah 31 kooxood.

Waxa intaas sii dheer in ay Bayern Munich kaliya hal kulan ku fashilantay in ay gaadhi waydo shabaqa 26-kii kulan ee ugu dambeeyay kulamadii ay ku ciyaartay garoonkeeda tartanka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here