Taageere Liverpool Ah Oo Saadaaliyay Natiijada Kulan Kasta Oo Man City & Liverpool Uga Baaqi Ah Premier League Iyo Dhibcaha Ugu Danbeeya Ee Lakala Helay.

Taageere kooxda Liverpool ah ayaa isku dayay in uu sida ugu dhaw ku saadaaliyo natiijada kulan kasta oo u hadhay kooxdiisa Liverpool iyo Manchester City isaga oo u muuqda mid aan wax ka badbadis ah samayn laakiin ku saadaaliyay koox kastaba kulamada baaqiga u ah iyo saamaynta laga filan karo.

Manchester City ayaa hal dhibic ku haysa hogaaminta Premier league waxayna ugu danbayn soo afjareen waqti dheer oo ay Reds soo ahaayeen hogaamiyaasha Premier league laakiin iyada oo muddo laba bilood oo badh ahi ka hadhsan tahay dhamaadka xili ciyaareedkan waxaa la filayaa in dagaalka Man City iyo Liverpool uu sii socon doono ilaa dhamaadka.

Taageer kooxda Liverpool ah ayaa barta reddit waxa uu ku soo bandhigay saadaal uu sameeyay waxaana ugu qoran TopofThe18 isaga oo isku dayay in uu qab macquulka ku saadaaliyo natiijada kulamada 18 ka ah ee ay ciyaari doonaan Liverpool iyo Man City.

Taageerahan ayaa saxaafada ku soo jiitay qaabka uu saadaashan u bixiyay iyo waliba shaxda uu u sameeyay natiijooyinka labada kooxood wuxuuna ka bilaabay dhibcaha ay labada kooxood haystaan ee 71 iyo 70 ah kadib waxa uu hoos uga sii socday kulamada iyo dhibcaha ay ka heli karaan.

Taageerahan ayaa saadaaliyay in Liverpool ay barbaro la gali doonto Tottenham balse ay Chelsea guul ka gaadhi doonto waana labada kulan ee ugu adag ee baaqiga u ah inkasta oo ay Anfield yihiin wuxuuna sidoo kale saadaaliyay in Man City ay babraro la gali doonto Man United isla markaana ay markale dhibco ku lumin doonto kulanka Tottenham oo uu barbaro kale u saadaaliyay.

Guud ahaan waxa uu saadaaliyay in Liverpool ay maalinta xili ciyaareedka ugu danbeeya heli doonto 95 dhibcood halka uu Man City u saadaaliyay 94 dhibcood. Halkan hoose kaga bogo qaabka uu saadaashan saxaafada soo jiidatay uu u sameeyay taageeraha Liverpool.

Haddaba akhriste, haddii aad tahay taageere Man City ah, Liverpool ama sidoo kale aad doonayso in aad ku lug lahaado saadaashan, miyaad marka hore saadaashan u aragtaa mid aad macquul u ah? Haddii ayna suurtogal in badan kuula muuqan, miyaad adigu saadaalin kartaa natiijada kulan kasta oo labadan kooxood u hadhay iyo dhibcaha ay dhamaadka heli karaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here