Taageerayaasha Real Madrid Oo Haatanba U Codeeyay 3-da Xiddig Ee Ay Doonayaan In Ay Hogaamiyaan Weerarka Real Madrid Kulanka Barcelona.

0

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa haatanba sii doortay saddexda xiddig ee ay doonayaan in ay hogaamiyaan weerarka Los Blancos kulanka ay Arbacada la ciyaari doonaan Barcelona lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga xilli uu tababare Santiago Solari dib u helay dhamaan xiddigaha kooxdiisa dhaawaca uga maqnaa.

Inkasta oo ay xiddigaha Gareth Bale iyo Marco Asensio ka soo laabteen dhaawaca hadana Taageerayaasha Real Madrid ayaa doortay in uu tababare Solari weerarka ku bilaabo xiddiga Lucas Vasquez, Karim Benzema iyo Vinícius Júnior.

Wargayska AS ayaa sameeyay codayn ay taageerayaasha Los Blancos ku waydiinayaan 3-da xiddig ee ay doonayaan in ay hogaamiyaan weerarka Real Kulanka Barcelona.

Waxa codka ugu badan helay xiddiga Karim Benzema oo wakhtigii ugu dambeeyay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waxa ku xiga Vinícius Júnior halka uu ku xigo xiddiga Lucas Vasquez.

Halkan Hoose kaga bogo codadka ay kala heleen xiddigaha ay Taageerayaashu doonayaan in ay ku bilowdaan weerarka Kooxdooda.

Karim Benzema: 3599 Cod

Vinícius Júnior: 3581 Cod

Lucas Vasquez: 2012 Cod

Marco Asensio: 963 Cod

Gareth Bale: 744 Cod

Mariano Diaz: 420 Cod.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here