Taageerayaasha Premier League Oo Doortay Shaxda Ugu Fiican Taariikhda Premier League, Xiddigo Waaweyn Ayaa Laga Dhex Waayay

Dadka xiiseeya kubada cagta ayaa mar walba jecel shaxda isku dhafka ah laakiin waxa inta badan adag in ay doortaan shaxda ugu fiican taariikhda Premier league.

Laakiin Taageerayaasha premier League ayaa u codeeyay ama soo doortay shaxdooda ugu fiican ee taariikhda premier League kadib markii wargayska sportbible waydiiyay Akhristayaasha ahna taageerayaasha premier League.

Kooxda Man United ku leh xiddigaha ugu badan ku leh iyada oo sidoo kale kooxaha Arenal, Chelsea iyo Liverpool ku leeyihiin xiddigo.

Goolhayaha ayaa ah Goolhayihii hore ee kooxda ee Peter Schmeichel kaas oo aan kaliya lagu xasuusan wakhtigiisii United laakiin Wacdaro ka dhigay kooxda Manchester City & Aston Villa.

Xiddigii hore ee Man United ee Gary Neville ayaa ku soo baxay garabka Midig ee daafaca isaga oo daafaca la hogaaminaya xiddigaha Katanada ugu weyn taariikhda premier League ee John Terry & Tony Adams.

Xiddig kale oo Man United ah ayaa dhamaystiray 4-ta daagaca ah iyada oo uu Patrice Evra ku soo baxay Shaxda ugu fiican taariikhda.

Taageerayaasha ayaa qaatay go,aan adag kadib markii ay iska indha tireen xiddiga Ashley Cole oo uu Cristiano Ronaldo ku tilmaamay daafacii ugu adkaa ee uu wajaho.

Xiddigaha Man United ee David Beckham, Paul Scholes & Ryan Giggs ayaa ku soo baxay khadka dhexe iyaga oo kula jira halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard.

Markan taageerayaasha ayaa ka tagay Xiddigii hore ee chelsea ee Frank Lampard iyo Waliba halyeeyada Patrick Vieira & Roy Keane.

Weerarka ayay hogaaminayaan xiddigaha Eric Cantona Iyo Thierry Henry iyada oo mar kale weerarka laga waayay Liiska xiddigo badan oo kala ah Dennis Bergkamp, Alan Shearer, Cristiano Ronaldo & Emile Heskey.

Ugu dambayn Tababaraha ayay u doorteen tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson kaas oo isku qoray taariikhda premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here