Taageerayaasha Liverpool Oo Taageeri Doona Man United 5-ta Kulan Ee Soo Socda, Sabab

In ay kooxda Man United guulo gaadho kulamada waa mid si aad ah u dhibaysa taageere kasta oo Liverpool ah marka loo eego xafiiltanka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada kooxood.

Laakiin Taageerayaasha Liverpool ayaa shaki la,aan taageeri doona Man United kulamada soo socda tan ilaa laga gaadhayo 24 bisha April ee soo socota.

Man United ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta tan ilaa markii uu shaqada la wareegay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo guul ku hogaamiyay kooxda 10 ka mid ah 12-kii kulan ee premier League.

Sababta uu taageero kasta oo Liverpool ah u taageeri doono Man United ayaa ah in khatarta ugu weyn ee ay Man City wajihi doonto kulamada soo socda tahay kooxda Man United.

Labada Kooxood ee man United iyo Man City ayaa Old Trafford ku kulmi doona 24 bisha April kulan ay Liverpool si weyn isha ugu hayaan.

United ayaa ciyaari doonta 5 kulan oo tartamada oo dhan ah ka hor inta ayna City marti galin iyada oo ay ka mid yihiin Arsenal, Wolves iyo Waliba Everton.

Sidaas darteed taageerayaasha Liverpool ayaa si weyn u doonaya in ay United dhamaan guul gaadho kulamadaas maadama marka ay City ka hor iman doonaan ay kulanka soo gali doonaan iyaga oo kalsooni qaba waliba dhiiri gashan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here