Taageerayaasha Cristiano Ronaldo Oo Markale Ku Maadsaday Murugada Bernabeu Taala Kadib Guuldaradii Labaad Ee Barcelona Ka Soo Gaadhay.

Bilawgii xili ciyaareedkan markii uu Cristiano Ronaldo sida lama filaanka ah uga baxay Santiago Bernabeu waxay jamaahiirta Real Madrid ku doodeen in ay socon karaan la’aanta mishiinkii gool dhalinta kooxooda waxayna u arkayeen in waqtigii Ronaldo ee fiicnaa uu soo gaba gaboobay laakiin xaaladu sidaas way iska badashay.

Taageerayaasha khaaska ah ee Cristaino Ronaldo oo hadba kooxda uu joogo ku taageera xidiga reer Portugal ayaa marar badan oo xili ciyaareedkan ah helay fursad ay ugu maadsadaan kooxda Real Madrid oo ay u arkayeen in ay sabab u ahayd bixitaankii Ronaldo ee uu Juventus ugu biiray.

Marar badan Real Madrid ayaa si adag u sheegtay in ay buuxin karaan gool dhalintii Cristiano Ronaldo laakiin markasta oo ay Los Blancos guuldaraysato ama ay goolal dhalin kari waayeen waxaa ciyaartoyda Madrid la waydiinayay in sababta ay u dhibtoonayeen tahay la’aanta gool dhalintii Ronaldo.

Laakiin markii ay Real Madrid awoodi wayday in ay hal gool taabsiiso shabaqa Barcelona labadii kulan ee 180 ka daqiiqo ahaa ee arbacadii iyo kulankii xalay, waxay markale taageerayaasha Ronaldo bilaabeen in ay dareenkooda ku soo bandhigaan baraha bulshada.

Falcelintii Taageerayaasha Critiano Ronaldo Ee Kadib Guuldaradii Barcelona baday Real Madrid.

Taageere ayaa soo qoray: “Oh, Cristaino Ronaldo in aad u badan ayay Real Madrid uu darsatay”.

Laakiin taageere kale ayaa soo qaatay laba sawir oo midka hore yahay Cristaino Ronaldo oo aad u faraxsan isla markaana qoslaya wuxuuna qoraalka hore soo raaciyay: “Barca waxay Real Madrid gurigeeda ku guulaystay laba jeer oo El Clasico ah”.

Isla qoraalka iyo sawirka labaad ee uu taageerahani soo dhigay waxa uu ku soo qaatay sawir ay ciyaartoyda Barcelona sare u sidaan Real Madrid oo laga dhigay sidii mayd la sido wuxuuna soo raaciyay: “Laba jeer saddex maalmood gudahood”.

Taageere kale ayaa xusay in tan iyo bixitaankii Cristaino Ronaldo aanay Real Madrid guulaysan hal kulan oo El Clasico ah wuxuuna sawirka Ronaldo soo raaciyay: “Tan iyo bixitaankii Ronaldo, Real Madrid Clasico may soo guulaysan”.

Taageere ku soo qortay Sir Cristiano Ronaldo ayaa soo qoray: ” Dhamaadka doodii, Real Madrid waxba ma aha aniga la’aantay”.

Taageere kale ayaa soo qaatay sawirka Cristiano Ronaldo oo la sii ordaya qaybta sare ee astaanka Real Madrid, wuxuuna soo raaciyay: “Sidan ayay Real Madrid soo ahayd”.

Gareth Bale oo la filayay in uu isku taagi doono booskii Cristiano Ronaldo ka baxay ayaa inta badan kaydka Los Blancos ku caajisay kadib markii uu ku fashilmay in uu bandhig fiican sameeyo waxayna hadda Madrid dareemaysaa qaladkii uu Perez ku lahaa in uu Ronaldo ka diray Bernabeu isaga oo aan badalkiisa haysan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here